Real Madrid Oo Bar-Baro Ku Bilaabatay Horyaalka La Liga+SAWIRRO

1481

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro niyad jab leh ku bilaabatay difaacashada horyaalka La Liga kadib markii ay bar-baro 0/0 ah la galeen kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka.

Los Blancos ayaan bilaaban todobaadkii hore horyaalka sabab la xidhiidha in la siiyay fasax kadib markii ay bishii hore ka qayb galeen Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa la filayay in ay ku bilaabato si fiican marka loo eego in ay yihiin kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga.

Laakiin Wiilasha Zidane ayaa ku dhibaatooday kulanka iyaga oo aan ka faa’iidaysan fursado wanaagsan oo ay heleen intii ay socotay ciyaartu.

Weeraryahanka Karim Benzema ayaa fursado waali ah ka khasaariyay kooxdiisa kadib markii uu goolka la hor tagay laakiin kama dhalin wax gool ah.

Kooxda Real Sociedad ayaa dhankooda halis ku ahaa goolka Real Madrid iyaga oo goolka la hor tagay kubad badan waliba ku qasbay goolhaye Courtios in uu sameeyo badbaadino cajiib ah.

Qaybtii dambe ayuu Zidane ciyaarta soo galiyay xiddigo da’yar ah maadama ay ka maqnaayeen xiddigaha ugu muhiimsan sida Isco, Hazard iyo Asensio.

Isku soo wada duuboo kooxda Real Madrid ayaa bar-baro 0/0 ah ku dhaafi kari wayday kooxda Real Sociedad iyaga oo bar-baro ku bilowday difaacashada horyaalka.