Juventus Oo Guul Ku Bilaabatay Horyaalka Serie A-da +SAWIRRO

1594

Kooxda Juventus ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Serie A-da kulankii ugu horeeyay ee tababare Andrea Pirlo iyaga oo garaacay kooxda Sampdoria.

Juventus ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Sampdoria ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolal wakhti hore ah.

Daqiiqadii 13-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Dejan Kulusevski kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Juventus 1/0 ku hogaaminayso waliba tababare Pirlo kooxdiisa ku dabaqay qaab ciyaareedkiisa.

Qaybtii dambe ayay kooxda Juventus iska caabin kala kulantay kooxda Sampdoria kuwaas oo dhawr jeer halis galiyay goolka kooxda Juventus.

Laakiin Juve ayaa daqiiqadii 78-aad dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu daafaca Leonardo Bonucci dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 2/0.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 88-aad dilay rajada Sampdoria ee ku soo laabashada ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus guul ku bilaabatay difaacashada horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.