Trump Oo Ka Badbaaday Qorshe Lagu Sumaynayay +SAWIRRO

1801

Sun loo yaqaanno ricin oo lagu qariyey bashkhad loo soo diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan gaarin Aqalka Cad

Saraakiil ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in Warqadani lagu qabtay horraantii toddobaadkan goobta lagu baaro warqadaha lagu soo diro boostooyiinka ee aqalka cad ee Maraykamka

Waxay saraakiisha intaa ku dareen in walxaha laga dhex helay bashqadaasi la sheegay in ay yihiin suntan loo yaqaano Ricin oo ah sun dilaa ah, iyadoo Maaamulka madaxwayne Trump ayaan wali ka hadlin arrintani.

Laanta dambi baarista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Madaxwaynaha ayaa waxay baarayaan halka ay bashqadani ka timid iyo in ay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka.

“Ma jirto illaa hadda halis ku soo food leh dadwaynaha,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan FBI-da oo intaas ku daray iney wadaan baaritaano iyo dabagal xoogan.

Mid ka mid saraakiisha ayaa u sheegay wargeyska New York Times in bashqada ay walxaha sunta ku jirtay laga soo diray dalka Canada.

HALKAN KA AQRI  SHEEKADAN