DAAWO:- Liverpool oo ku dur durisay Leicester+SAWIRRO

99

Curtis Jones ayaa shaaca ka qaaday inuu helay fariin hambalyo ah oo ka timid Jurgen Klopp kaddib markii Liverpool ay 3-1 kaga adkaatay Leicester City. Kubadsameeyaha Reds ayaa kulankiisii 100-aad ee Premier League u saftay kooxda, isagoo gool dhaliyay si uu Arne Slot iyo kooxdiisa ugu hogaamiyo guusha.

Klopp, oo isagu kusoo daray Jones safka hore ee Reds sanadkii 2019 kulankii AFC Bournemouth, ayaa weli isha ku haya kooxda iyo ciyaartoydiisii hore inkastoo uu shaqada Liverpool ka tagay xagaagii hore. Tababaraha reer Jarmal ayaa isku diyaarinaya inuu toddobaadka soo socda bilaabo xilkiisa cusub ee kooxda Red Bull.

Jones, oo qiray inuu aasaas adag ka helay Klopp, ayaa sheegay inuusan xitaa ogeyn inuu 100 kulan dhameystay illaa uu taleefankiisa eegay qolka labiska kaddib ciyaarta.

Waan soo galay, caadiyan waxaan fariin u diraa qoyska, laakiin waxaan arkay fariin ka timid [Jurgen] Klopp oo leh ‘hambalyo 100 kulan, waxaad gaari doontaa inkabadan 500 kale,’” ayuu u sheegay Match of the Day. “Waxaan is iri: maxay tahay waxa uu ka hadlayo?’

Markaas ayaan eegay oo runtii waan ku faanay. Isaga ayaa dhisay kooxda aan hadda heysano. Aasaaska wuu jiray, Arne Slot-na wuu sii waday.

Weli waxaa naga horeeya waddo dheer oo dheer. Waxaan ciyaari doonnaa kulamo kale, waxaana isku dayi doonnaa inaan wada guuleysanno.”

Jones ayaa sidoo kale ka hadlay sida Liverpool ay isbedel ugu sameysay ciyaarteeda si ay u jabiso difaaca adag ee Leicester, isagoo xusay dulqaadka iyo isku xirnaanta kooxda inay keeneen guusha.

Markii hore waxay ahayd ciyaar adag, waayo si fiican ayey u difaacdeen. Waxaan isbeddel ku sameynay qeybta labaad oo ka faa’iidannay fursadihii aan helnay si aan u dhalinno goolasha,” ayuu raaciyay.