Chelsea Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Bournemouth +SAWIRRO

246

Kooxda chelsea ayaa guul ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier League.

Blues ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh waxana ay ka awood badnaayeen kooxda Bournemouth kuwaas oo ku dhibaatooday in ay iska caabiyaan chelsea.

Kooxda Graham Potter ayaa wakhti hore bilowday halis galinta daafaca Bournemouth kuwaas oo difaac ku jiray isla markaas aan wax weerar ah qaadayn.

Chelsea ayaa daqiiqadii 16-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Bournemouth ayaa isku dayday in ay samayso fursado laakiin waxa ay mar walba dhaafi waayeen daafaca chelsea oo ahaa kuwo isku duuban.

Daqiiqadii 24-aad ayay chelsea sii dheeraystay natiijada ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Mason Mount kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Blues ku hogaaminayso ciyaarta.

Chelsea ayaan halkaas ku joogsan waxana au sii wadeen raadinta goolal ay ciyaarta ku dilaan si ay Bournemouth uga hor istaagaan in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Xiddiga Pulisic ayaa mar kale dhaliyay gool daqiiqadii 44-aad laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha offside uu ku jiray xiddigu.

Waxa sidaas ku dhamatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ahayd kooxda fiican dhinac walba ils markaas Bournemouth si weyn u dhibaatootay.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ayna labada kooxood wax kale kala dhalin inkasta oo ay sameeyeen fursado ay goolal ku kala dhalin kareen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Bournemouth isla markaas guul ku bilaabatay qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.