Man United Oo Xasuuqday Nottingham+SAWIRRO

219

Manchester United ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Nottingham Forest oo ay 3-0 ku dubteen ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Old Trafford.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa iska heysatay Manchester United oo abuurtay fursadihii ugu badnaa islamarkaana ciyaareysay kubad weerar ah halka Nottingham Foresy ay ku adkeyd inay kubada isku dhiidhiibaan.

United ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 19aad markii koorno uu soo tuuray Christian Eriksen uu shabaqa u qaaday Marcus Rashford oo si caqliyaysan u dhameystiray.

Seddex daqiiqo ka dib United ayaa hogeenkeeda dheereysatay markii kubad rogaalcelis ah oo ay qaadeen ay keentay inuu kubad baas dheer helo Rashford kaasoo kubada si fiican u koontaroolay ka hor inta uusan u baasin Martial oo shabaqa toogtay.

Dhamaadkii qeybta hore Nottingham Forest ayaa mooday inay gool soo ceshadeen markii Boly uu madax ku dhaliyay kubad laad xor aheyd oo la soo qaaday.

Markii hore VAR ayaa eegeysay in kubada uu gacanta ku taabtay laakiin waxaa taas ka soo hormartay inuu offside jiray sidaasi darteedna goolka loo diiday.

Nottingham ayaa si firfircoon ku bilaabatay qeybtii labaad laakiin waxaa bilowgiiba ka dhaawacmay Jesse Lingard oo ciyaarta laga saaray iyadoo Antony uu fursad gool loo fishay ka qasaariyay United ka dib baas uu ka helay Bruno Fernandes.

Goolhaye Hennessey ayaa labo fursadood kale ka beeniyay Martial iyo Rashford halka De Gea isna markiisa la tijaabiyay bartamihii qeybta labaad.

Fred ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 87aad isagoo bedel ku soo galay markii uu shabaqa ku hubsaday baas dhex bixis ah uu ka helay Casemiro.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Manchester United ku garaacday kooxda Nottingham Forest oo ku jirta kaalinta 19aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.