DAAWO:-Mahdi Guuleed “Adeerkey Cabdi Xaashi Cimrigaagu ha raago

996

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sirasmi ah u shaaciyay inay ka heshiiyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare khilaafkii la xiriiray doorashada Kuraasta Gobolada Waqooyi.

Waxaa uu sheegay in uu uga mahad celinayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed oo uu sheegay in uu doorweyn ku lahaa heshiiska iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

“Waxaan ku faraxsanahay in aniga iyo Adeerkay Cabdi Xaashi aano ka Heshiinay khilaafkii Doorashooyinka, waxaana ugu baaqayaa siyaasiyiinta doonaya kuraasta labada Aqal in hadda loo jiheystay doorashooyinka dalka ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhankiisa sheegay in Mahdi Guuleed uu ka aqbalay xalka guud ee dalka sidaasina ay heshiiska ku wada gaareen.