DAAWO:-Man City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Leicester City +SAWIRRO

1261

Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power kana tirsanaa todobaadkii 4-aad ee xilli ciyaareedka premier League.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag labada kooxood iyada oo Man City ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatoonaysay in ay dhaafto difaaca Leicester City kuwaas oo ahaa kuwo digtoon.

Dhanka kale Leicester City ayaa adeegsanaysay weerarka rogaal celiska ah inkasta oo ayna halis badan galin difaaca iyo goolka Man City.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay labada kooxood u ciyaareen si fiican.

Qaybta Dambe:

Kooxda Man City ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta hogaanka u qabtaan waliba dhaliyaan goolal.

Dhanka kale Leicester City ayaa difaac gashay iyaga oo doonayay in ay qaybta dambe si ay u ciyaaraan weerar rogaal celis ah.

Daqiiqadii 62-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Leicester City ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha waxana ay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay marar badan halis galisay kooxda Man City laakiin nasiibka ayaan ka caawin in ay gool dhaliso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul dirqi ah oo muhiim ah sidaasna ku gaadheen guushoodii 3-aad oo xidhiidh ah.