DAAWO:-Man United Oo Bar-bar Dhac Kala Soo Laabatay Crystal Palace +SAWIRRO

1432

Ka dib ciyaar dhanka weerarka ka liidatay , Crystal Palace0 iyo United ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah .

Crystal Palace0 iyo United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore labada koox ay ka jiifeen dhanka weerarka .

Tobanka daqiiqo ee hore , Crystal Palace ayaa kubadda ku badneyd waliba aagga hore ee United tageysay waxaana kaliya ka maqnaa in ay u turjumaan halis gilin muuqata .

Ka dib dhacdooyinkaas , United daqiiqaddii 13-aad gool cajib noqon lahaa waxaa ka bad baadiyay goolhayhaa Crystal Palace oo kubad Matic u meel fog ka toogtay u saaray u koorno .

United qeybtaas hore kubadda iyaga ayaa maamulkeeda ku sareeysay waxa ayna kaliya dhib ku qabeen in kubadda si sax ah u gaarsiiyaan goosha kooxda ay martida u ahaayeen kuwaasi oo daafac ahaan wacnaa .

Heerka kubad hayashada United ee qeybtaas hore waxa ay mararka qaar kor u dhaafeysay %66 waxa ayna Crystal Palace ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse ma jirrin halis gilin muuqta , waxaana lagu nastay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah .

Qeybta labaad , bilowgii United kubada iyaga ayaa ku sareeyay balse si sax ah uma aysan gaarsiineyn goosha Crystal Palace kuwaasi oo ciyaarayay kubad kalsooni ay ka muuqatay mana jirrinn wax qal qal ah oo ay abuurayeen .

Ilaa 60-kii nited kubadda iyaga ayaa %60 ku badnaa balse waa adkeyd in afka hore Crystal Palace ay tagaan kuwaasi oo mararka qaar kubado rogaal celis halis ah qaadayay waxa ayan ciyaarta u muuqatay mid dar darteed ay joogsatay .

United waxa ay badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 74-aad iyaga oo soo giliyay Mctominay oo loo saaray Fred halka James uu xigay kaasi oo daqiiqadii 76-aad soo galay waxaana loo saaray Cavani .

Kulankaan ciwaankiisa waxaa uu ahaa in labada dhinac ay ka liiteen dhanka weerarka balse daafac ahaan waa ay wacnaayeen, waxa ayna United dhamaadkii sameeyeen cadaadis balse gool mahelin kooxda martida lo ahaa daqiiqadii 89-aad fursad gool xaqiiq ah uuu u diiday goolhayaha United.