DAAWO:-Man United Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Brighton +SAWIRRO

1799

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premeir League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Qaybta hore:

Kooxda Man United ayaa si fiican ku bilaabatay ciyaarta laakiin kaliya 6-dii daqiiqo ee ugu horaysay ee ciyaarta si fiican u ciyaartay ka hor inta ayna Brighton ciyaarta kala wareegin.

Daqiiqadii 13-aad ayay Brighton dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Danny Welbeck kaas oo goolka ka dhaliyay kooxdiisii hore hogaankana u dhiibay kooxdiisa haatan.

Kooxda Brighton ayaa u ciyaaraysay si fiican oo ay kalsooni ku jirto iyaga oo aan difaac galin markii ay goolka dhaliyeen waliba marar badan halis galiyay kooxda Man United kana dhalin gaadhay gool kale.

Dhanka kale Man United ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatootay in ay dhaafto daafaca adag oo ay dhigtay kooxda Brighton goolkeeda horteeda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Brighton ka baxday iyaga oo hogaaminaya ciyaarta natiijo ahaan laakiin dhanka qaab ciyaareedka ay Man United fiicantahay.

Qaybta Dambe:

Kooxda Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo raadinayay sidii ay ugu soo laaban lahaayeen ciyaarta goolka bar-barahana u dhalin lahaayeen.

Daqiiqadii 62-aad kadib dadaal badan Man United ayaa dhalisay goolka bar-baraha kadib markii uu Bruno Fernandes dafay kubad ka khaldantay kooxda Brighton waxana u dhaliyay goolka xiddiga Marcus Rashford kaas o ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha xilli ay Brighton lafteedu qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galiyeen goolka Man United.

Daqiiqadii 83-aad ayay Man united mar kale dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mason Greenwoord kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man United ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United sidaas ku gaadhay guul soo laabasho leh kuna xoojisatay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier league.