DAAWO:-Maraykanka oo ka digey in Soomaaliya ay yeelato maamul kumeelgaar ah

1746

Dowlada Maraykanka ayaa ka hadashay khilaafka ka jira dhinaca doorashooyika dalka Soomaaliya waxana afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Maraykanka uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalada ay madaxda Soomaaliya ka yeelanayeen arrimaha doorashooyinka si loo qabto doorasho.

“Waxaan ugu baaqaynaa madaxda Soomaalida in ay degdeg dib ugu bilaabaan wada hadalada, una xalliyaan ismari-waaga taagan, si dhaqsana loo gudagalo doorashada. “ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka digey in Soomaaliya laga dhiso maamul xil gaarsiin ah oo muddo dheer qaata taasoo sababi karta xasilooni darro.

“Doorashooyin isdhinac socda, kuwa hal dhinac ah ama waqtiga diyaar garowga daba-dheeraanshaha maamul xilgaarsiin ah intuba waxay horseedi doonaan xasillooni darro” afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price

Waxaa sii kordhaya walaaca Dowlada Maraykanka ay ka qabto arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya waxaana dhowaan bayaan ka soo saaray safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Soomaaliya.