DAAWO:-Mareykanka oo kuhanjabay inuu kaqaybgalayo dagaalka Itoobiya

820

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay fara-gelin milateri oo ay ku sameyso dagaalka ka soconaya dalka Itoobiya, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed oo garabsanaysa maleeshiyaadka Canfarta iyo Amxaarada iyo Jabhadda TPLF.

Sarkaal sare oo kamid ah Ciidammada Mareykanka ee ka howlgalla saldhigga Mareykanka ee Dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay diyaar u yihiin ka jawaabista dagaalka ka socda gobalada waqooyi ee Itoobiya, isagoo intaas ku daray inay u joogaan gobalka wax ka qabashada dhibaatooyinka.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Milateriga Eritrea iyo xisbiga talada dalkaas haya ee uu hoggaamiyo Asias Afwerki, iyadoo ku eedeysay fara-gelinta dagaalka Itoobiya iyo xasuuq ay geysteen.

Dagaalka dalka Itoobiya ayaa u muujinaya waji cusub inuu isu badalay, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay dalka Reer galbeed inay garab taagan yihiin TPLF ayna buunbuunin u sameynayaan. Lama oga halka ay saldhiggan doonto xaalada Itoobiya waxaana hada dagaalada intooda badan ka socdaan xaduuda Tigray iyo Canfarta.