
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta shaaciyay natiijada doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya ee lagu soo doortay goleyaasha wakiilada iyo deegaanka oo laga qabtay illaa 13 demo oo ka tirsan maamulkasi
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in doorashooyinkan ay ka qayb-galeen 32 urur, oo u tartamay golaha wakiilada, ayadoo ay codeeyeen illaa 132,430 qof oo qaatay kaararka cod-bixinta ee guddiga doorashooyinka.
Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyay sida ay xisbiyada u kala heleen kuraasta golaha wakiilada oo ah 95, iyadoo kuraasta ugu badan uu helay xisbiga JSP.
1: Ururka JSP 51 kursi.
2: Ururka NPU 14 kursi
3: Ururka Karaama 11 kursi.
4: Ururka SINCAD 6 kursi.
5: Ururka Tiir 3 Kursi.
6: Ururka Waaberi 1 Kursi.
Sidoo kale, wuxuu guddiga uu shaaciyay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka oo laga qatay 13 degmo, waxaa iyana u tartamay 32 urur, iyadoo kuraasta loo tartamayo ay haayeen 297 kursi.
Lama oga in natiijadan ay aqbali doonaan ururada siyaasadeed ee ka qeybgalay doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Doorashadan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida ay dowladda u wajaheyso xaaladda kala guurka, waxaana doorashooyinka diidan mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.




















