DAAWO:- Ninkii Gabadha Kufsaday ee dilay oo asna Latoogtay

1748

Maxkamad ku taala magaalada Garbahaarey ee Gobolka GEDO ayaa maalmo kahor xukun dil ah ku riday Maxamuud Cali Xaamud oo 32-sano jir ahaa, ninkan ayaana Maxkamada ku heshay in uu kufsaday kadibna dilay gabadh yar.

Guddoomiyaha Maxkamada degmada Garbahaareey ayaa shaaciyay in xukun dil ah saakay lagu fuliyay Maxamuud Cali uu sheegay in uu qirtay in uu kufsi iyo dil u geestay gabadh dadka deegaanka kamid aheyd.

Xukunkan dilka ah ee saakay lagu fuliyay ninka kufsiga iyo dilka geestay ayaa kusoo aadaya xili qeybo kamid ah Soomaaliya kusoo kordhayaan falalka naxariis darada ah ee isugu jira kufsiga iyo dilalka loo geesanayo gabdhaha yar yar.