DAAWO:-Puntland oo beenisay Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada

1419

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxa ay beeninaysaa muuqaal lagu baahiyay Social Media in uusan ahayn mid sax oo ku aadan Ciidamada Dowladda Puntland.

Muuqaalka oo soconaya muddo kooban ayaa muujinaya haweeney ilmo yar sidata oo weerar ku soo qaaday seygeeda oo ka tirsan ciidamada Puntland, iyadoo ku eedeyneysa inuu gaajo ku dilay, uusana dhowr bilood qaadan wax mushahar ah

“Xukumadda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni waxa ay ku guulaystay dib uhabaynta Ciidamada iyo in ay helaan mushaharkooda bil walba” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Puntland.

Sida lagu xusay qoraalka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Mudane Xasan Shire Cabdi waxa uu dadaal dheeri ah ku bixiyay isaga oo kaashanaaya madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda in ay Ciidamada mushaharka iyo Garaamkooda helaan.

“Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo raad-raac ku sameeyey Muuqalka ayaa ogaaday in uu yahay muuqaal hore Saraakiisha ka dhex muuqdana ay yihiin hawlgab” ayaa sidoo kale lagu sheegay War-saxaafadeedka wasaarada Maaliyada Puntland.