DAAWO:- Qaraxii dadka badan kudhinteen ee Muqdisho

147

Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarax ismiidaamin ahaa oo xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay dad badan oo ku sugnaa maqaayad ku taalla gudaha degmada Boondheere.

Cumar Xuseen oo kamid ah dadkii ku sugnaa maqaayadaas oo lagu magacaabo Top Coffee ayaa bixiyay xog ku aadan sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in isaga iyo asaxaabtiisa ay goobta ku sugnaayeen xilliga uu dhacaya qaraxa oo gaari loo adeegsaday.

“Xalay meeshaan waxaa ka dhacay musiibo aad u wayn qaraxa wuxuu dhacay abaare 10:00 haeenimo runtii meesha waa ku shaaxeyneynay sida idin muuqato qarax wayn ayaa halkan ka dhacay waxaana ka dhashay khasaare kala duwan” ayuu yiri Cumar Xuseen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in goobta ay u dhinteen qaar kamid ah saaxibadiisii oo ay wada joogeen, halka ku kalena ay ku dhaawacmeen, balse uu isagu badbaaday.

“Tiro badan oo kamid asxaabteyda meeshan way ku geeriyootay ilaahey ha u naxariisto, kuwa kalena way ku dhaawacmeen” ayuu mar kale yiri Cumar Xuseen.

Waxaa kale oo uu yiri “Maqaayaddu waxay ahayd maqaayad iska caad ah oo dhalinyarada iyo dadka kaleba ay ku shaaxeeyaan, waxayna ahayd maqaayadda ugu caansan degmada Boondheere”.

Taliska ciidanka Booliska Soomaliya wuxuu warbixinta hordhaca ah ku sheegay in 5-qof ay ku geeriyoodeen, ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale waxaa jira gaadiid iyo goobo ganacsi oo ku burburay qaraxa.

Waxaa sidoo kale weli socota qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, sida ay qortay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Markii laga soo tago khasaaraha baaxada leh ee gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, wuxuu khasaare badan soo gaaray dadkii saaraa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba.

Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday.