DAAWO:- Real Madrid oo dubatay Borussia Dortmund

6

Vinicius Jr. wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray soo kabashadii layaabka laheyd ee Real Madrid kadib 5-2 oo ay ku xasuuqday Borussia Dortmund qeybtii dambe ee ciyaarta.

Saddexleydii uu dhaliyay qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ka caawisay in Real ay muujiso kalsooni weyn. Weeraryahanka ayaa si dhakhso ah u aqoonsaday dhibaatooyinka kooxda ee qeybtii hore ee ciyaarta, asagoon dardar geliyay weerarka intii lagu jiray qeybta dambe ee ciyaarta.

Vinicius wuxuu tilmaamay in kooxda ay u baahan tahay in ay is hagaajiso, gaar ahaan marka ay ciyaarta billow tahay, isagoo xusay in aan la iska indhotiri karin is-waafaqsanaan la’aanta ciyaartoyda, taas oo dhibaato u keeni karta tababare, Carlo Ancelotti.

“Waxaan u baahan-nahay inaan is hagaajino maxaa yeelay haddii aanan isbedel dhab ah la imaan, tababare -Carlo Ancelotti- ma dulqaadan doono,” ayuu yiri.

Jawiga qolka labiska ayaa ahaa mid aad u xun.Waxaana xilligaas loo sheegay ciyaartooyda iney kalsooni iyo go’aan cad muujiyaan.

Ciyaartoyda waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay diiradda saaraan sidii ay ula imaan lahaayeen goolal qeybta labaad, iyagoo og in taas ay wax ka beddeli karto xaalada ciyaarta.

Real Madrid ayaa sii wada ol’olaha ay ku doonayaan iney ilaashadaan sharafta ay ku leeyihiin Yurub, Vinicius wuxuu muujiyay rabitaankiisa xooggan ee ah inuu mar kale qaado Chamions League.