DAAWO:-Rooble Farmaajo iyo Kheyre way ii siman yihiin

1474

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay degmada Dayniile ayaa sheegay in si cadaalad ku jirto u maamuli doono howlaha doorashooyinka.

Rooble ayaa balan qaaday in si dhax dhaxaadnimo ah ku wadi doono howlaha doorashooyinka, isagoona bulshada hortooda ka cadeeyay in ay u sinaan doonaan musharaxiinta u tartameysa xilalka.

”Aniga Ra’isul Wasaare ahaan xaqiiqdii maanta hortiina ayaan ka balan qaadayaa waxaan rabaa si cadaalad iyo hufnaan iyo alla ka cabsi leh in aan u fuliyo doorashada, waxaan tusaale usoo qaadanayaa saaxiibkey iga horeeyay Ra’isul Wasaare hore Xasan Kheyre oo musharax ah iyo Madaxweyne Farmaajo hadii ay tartamaan waa ii sinaanayaan” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in doorashada ka dhaceysa Soomaaliya uusan ka laheyn wax dan isaga u gaar ah, waxa uu sidoo kale cadeeyay in aysan jirin cid si gaar ah uu u wato uuna dhax dhaxaad u yahay dhamaan musharaxiinta.

Ugu Dambeyn Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Musharaxiinta in ay ku kalsoonaadad, waxa uuna balan qaaday in doorashada dalka ka dhaceysa loo maamuli doono si cadaalad oo raali laga wada yahay.