Dalalka G-7 oo cunoqabateyn cusub ku soo rogay Iran

71

Kooxda dalalka la iskugu yiraahdo G7 ayaa diyaarinaya cunaqabatayn cusub oo lagu soo rogayo barnaamijka gantaalada Iran, Aqalka Cad ayaa sheegay, ka dib kulan madaxcda dalalkaas ku yeesheen khadka tooska ah si ay ugala tashadaan jawaabta diblumaasiyadeed ee weerarkii Iran kuv qaaday Israel.

“Dunida inteeda badan maanta waxay garab taagan tahay Israa’iil,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka John Kirby ayaa u sheegay suxufiyiinta.

G7 wuxuu ka kooban yahay Mareykanka, Japan, Jarmalka, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska, Kanada iyo Talyaaniga. Midowga Yurub wuxuu kaloo ka qayb qaataa la tashigiisa.

Hogaamiyayaasha G7 ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka tooska ah ee Iran ee aan horay loo arag ee ka dhanka ah Israa’iil ka dib, bayaan ay si wadajir ah u soo saareen

“Waxaan u muujineynaa wadajirkeena iyo taageeradayada buuxda ee aan siineyno Israa’iil iyo dadkeeda, waxaana dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay amnigeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Ficiladeeda, Iran waxay u sii dhaqaaqday khalkhalgelinta gobolka waxayna halis ugu jirtaa inay kiciso xiisad goboleed aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa,” ayay sidoo kale bayaanka lagu yiri.

Hogaamiyayaasha G7 waxa ay wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan ka shaqaynta sidii xaalada loo dejin lahaa loogana ilaalin lahaa in ay sii xumaato.

“Sidaas darteed, waxaan ka dalbaneynaa Iran iyo xulafadeeda inay joojiyaan weeraradooda, waxaana diyaar u nahay inaan qaadno tillaabooyin dheeri ah hadda oo aan uga jawaabno hindisayaal kale oo xasillooni darro ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.