Fanaan Abshir Gaarane Axmed oo geeriyooday

82

Allaha u naxariisto Abshir Gaarane Axmed oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, shalay ayuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen Balcad.

Abshir Gaarane ayaa inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaas, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey rajiimkii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.