DAAWO:-Saraakiil Alshabab ah ayaa hogaaminayay Ciidamadii la geeyey Baarlamaanka

1291

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegay in shalay Xarunta Villa Hargeysa ee la doonayay inay ku shiraan Xildhibaannada Golaha Shacabka la keenay Ciidamo farabadan, oo qarkood kasoo goostay Al-Shabaab.

Xildhibaanka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in Ciidamada uu hoggaminayay Sarkaal horay uga tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo Magaciisa uu ku sheegay Shakiib , isla markaana isaga oo dhaawac ah laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha.

“ Ciidamada dharcadka ah ee la keenay Xarunta Baarlamaanka waxaa loogu talo galay in Xildhibaannada lagu handado, waxaana hoggaaminayay Sarkaal lagu Magacaabo Shakiib oo, isaga oo dhaawac ah Ciidamada kasoo qabteen Sarandi,wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee mas’uuliyiinta ayuu yiri” Xildhibaan Mahad Salaad.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad in Ciidamada la geeyay Xarunta shirarka ee golaha Shacabka ay wateen Qoryaha meelaha fog fog wax ka dila, isla markaana ay ahaayeen kuwo sigaar ah ugu adeegayay Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin.