DAAWO:-Shabaab waxay afduubteen shacabkii Aadan Yabaal

219

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo waddanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadal jeedintiisa diiradda ku saaray guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dalka iyo qabashada degmada Aadan Yabaal.

Ugu horreyn wuxuu boggaadiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay garab taagan tahay dowladda.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay xor tahay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xaqiijiyey in ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen degmadaas.
“Saaka ciidamada waxa ay joogaan degmada Aadan Yabaal Al-Shabaab xittaa kuma dagaalamin nimanku waa nimankaas, Hirshabeelle waxaa ka dhiman Runirgood,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab ay burburiyeen ceelashii biyaya ee ku yaallay degmadaasi, islamarkaana ay horay usii afduubteen shacabkii deganaa halkaasi.
“Aadan Yabaal waxay ka siibteen labadii Ceel ku tiilay bambooyinkii biyaha shacabkiina inta afduubeen ayey kaxeysteen,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Dadka qaarkii ogaal la’aan ayey Al-Shabaab ugu shaqeeyaan, Soomaaliya xaalad caadi ah kuma jirto, Al-Shabaab masoo laabanayaan”
Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin u diray shacbaka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday in Shabaab kadib ay u diyaar garoobaan dib u dhiska dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa ha diyaar garoobaaano sida Shabaab aan ugu kacnay, kadib ha isku diyaariyaano sidii loo dhisi lahaa dalka Shabaab waa tegay” ayuu yiri.