DAAWO:-Shirkii Dhuusamareeb oo billowday +SAWIRRO

1820

Waxaa maanta si rasmi ah Dhuusamareeb uga billowday wada-hadallo u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo looga arrinsanayo muranka ka taagan doorashada 2021.

Wararka ayaa sheegaya in haatan shir gaar ah ay lee yihiin madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, shanta madaxweyne goboleed iyo duqa magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa ajendayaasha iyo qodobada miiska saaran ee looga wada-hadlayo shirweynaha Dhuusamareeb 4.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa sidoo kale goob-joog ah shirka haatan socda, kuwaas oo aan horey uga qeyb-gelin kulamadii horudhaca ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa xarunta madaxtooyada Galmudug looga yeeray wariyeyaasha soo tebinaya shirka wada-tashiga ee doorashooyinka oo khudbado laga jeedin doono.

Shirka Dhuusamareeb 4 oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa si aad ah isha loogu wada-hayaa, iyada oo la filayo inay kasoo baxdo natiijo miro-dhal ah.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxlad adag oo kala guur ah, waxaana waqtiga loo qorsheeyey dib uga sii dhaceysa doorashada dalka ee sanadkan 2021-ka.