Man United Oo Sagaal Gool kuxasuuqday Southampton +SAWIRRO

1354

Man United aya guul weyn ka gaartay Southampton kuwaasi oo ku dhameystay 9 ciyaartooy xilli United natiijada ciyaarta ay afjareen qeybta hore

Southampton waxaa kaarka casaanka laga qaatay daqiiqaddii labaad balse si fudud ayay durba isu dhiibeen dibna ugu gurteen .

United waxaa sahal u aheyd in aagga goosha kooxda martida si fudud u gaaraan xilli garbaha kooxda Ole Gunner ay qeyb weyn ka lahaayeen guushaas .

Southampton waxaa ku adkaa in kubadda horay u soo jiidaan waana midda keentay in United dib u gurashadaas ka faa`ideystaan waxaana ka dhacayay qaladaad daafac maskixiyanna diiradda ma aysan saareyn ciyaarta

Goolasha United ee qeybtaas hore waxaa kala dhaliyay Aaron Wan-Bissaka, Rashford , Cavani iyo mid kooxda martida si qaldan isaga dhaliyeen.

Qeybta labaad , Southampton in yar ayay wacnaayeen waxa ayna u muuqdeen in ugu yaraan goolka sharafta keeni doonaan balse deg degsiimo ayaa dilleysay oo go`aanadda si qaldan ayay u qaadanayeen

Taasi badalkeeda United cadaadis ayay saareen kooxdaas illaa laba gool kale ay u raaciyeen waxaana lahaaa Martial oo qeybta labaad badal ku soo galay iyo Scott McTominay

United intaa iskuma joojin dhoolastuskaada , waxa ay sii raaciyeenlaba sedex gool mid rigoore ahaa laba toos ah waxaana kala dhaliyay Bruno Fernandes ,Martial iyo Daniel JamesBruno Fernandes9 – 0 xilli kooxdaas kaarka cas laga sii qaatay waxa ayna goolashaas dhasheen daqiiqadii 88-aad iyo 90-aad iyo 93-aad

Ciyaartaan halka dhinac aheyd waxa ay United heerka kubad haysashadooda gaareysay %76 waxa ayan ku dhamaatay lixdaas gool.