Man United Oo Bar-Baro La Gashay Southampton +SAWIRRO

1817

Kooxda Man United ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Southampton kulan ka dhacay Old Traffor kana tirsanaa todobaadkii 35-aad ee horyaalka Premier League.

Man United ayaa haatan si Rasmi ah kaalinta 3-aad uga gashay kala saraynta horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa bishii September kadib guushii ay ka gaadheen Southampton.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Southampton iska caabin xoogan kala hor timid kooxda Man United waliba halis galiyeen Re Devils.

Daqiiqadii 12-aad ayay Southampton dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Stuart Armstrong xilli Red Devils looga naxsaday gool wakhti hore ah.

Man United ayaa la wareegtay maamulista ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolka xilli ay Southampton difaacanaysay goolka ay dhaliyeen.

United ayaa daqiiqadii 16-aadba dhalisay gool iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford laakiin goolka ayaa lagu diiday Offside uu ku jiray Marcus Rashford.

Laakiin Man United ayaa daqiiqadii 20-aad dhalisay goolka saxda ah iyaga oo uu markan u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Kooxda Man United ayaan halkaas ku joogsan iyaga oo raadinayay goolal kale xilli ay Southampton lafteedu qaadaysay weeraro ay goolal kale ku doonaysay.

Daqiiqadii 23-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Mna United ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United daqiiqado yar gudohood ciyaarta dhanka kale ugu rogtay waliba si fiican u maamulay ciyaarta.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid aad u caajis badan iyada oo aad mooday in ay Man United difaacanaysay goolka ay hogaaminayso ciyaarta iyaga oo ka faa’iidaysan waayay dhawr fursad oo ay heleen.

Kooxda Southampton ayaa qaybtii dambe ahaa kuwo ku cad-cad dhanka weerarka iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 90+6 ayay Southampton dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Michael Obafemi oo badal ku soo galay ciyaarta kaas oo ka dhigay bar-baro 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United Ku Fashilantay in ay kaalinta 3-aad gashay kana faa’iidaysato guuldarooyinkii kooxaha Chelsea iyo Leicester City.