Real Madrid Oo Guul Ay U Dhididay Ka Gaadhay Granada +SAWIRRO

1662

Kooxda Real Madrid ayaa ku sii dhawaanaysa hanasahda horyaalka La Liga kadib guul ay ka gaadheen kooxda Granada kulan ka tirsan todobaadkii 36-aad ee horyaalka La Liga.

Kulanka ayaa ku bilowday si dagan daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta iyada oo weerarkii ugu horeeyay ee ciyaarta uu qaaday Luka Modric kaas oo kubad karoos ah soo hor dhigay goolka Granada laakiin daafaca kooxdaas ayaa ka saaray ka hor inta uuna soo gaadhin xiddiga Isco.

Laakiin daqiiqadii 10-aad ayay Los Blancos dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Ferland Mendy kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Real ku hogaaminayso ciyaarta.

Grnada ayaa daqiiqadii 15-aad isku dayday in ay dhaliso bar-baraha kadib markii ay ka faa’iidaystay khalad uu galay xiddiga Toni Kroos isaga oo khadka dhexe jooga waxana ay Granada kubad dheer u laageen xiddigaha weerarka laakiin kubadaas ayaa dibada u baxday.

Daqiiqadii 16-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Wiilasha Zidane ku hogaaminayaan ciyaarta.

Kadib goolkaas xiddigaha Granada ayaa difaac galay si ay Real Madrid uga hos istaagaan in ay goolal kale dhaliso xilli ay Los Blancos ciyaarteeda u badashay maamul dhanka kubada ah iyo weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Los Blancos u muuqatay kuwo ciyaaraya kulankoodii ugu fududaa tan ilaa markii dib loo bilabaay xllli ciyaareedka La Liga.

Laakiin arinta ayaan sidaas noqon kadib markii ay Granada qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si gabi ahaan ka duwan sidii qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Granada ayaa ka halis badnayd kooxda Real Madrid iyaga oo doonayay goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan xilli aad mooday in ayna Real Madrid wali ka soo laaban qolka Labiska.

Daqiiqadii 50-aad kooxda Granada ayaa dhalisay goolkii rajada iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Darwin Machis kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay wali Real ku hogaaminayso ciyaarta.

Granada ayaan halkaas ku joogsan laakiin goobo galisay xiddigaha Real Madrid iyaga oo xitaa biraha u garaacay kooxda hogaaminaysa horyaalka xilli ay raadinayaan goolka bar-baraha.

Real Madrid oo ay iska cadayd in ay wali hurdaan oo ayna ka soo laaban qolka Labiska ayaa isku dayday in ay dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho laakiin arintaas uma suurtagalin.

Granada ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku qasabtay daafacyada iyo Goolhayaha Real Madrid in ay si adag u shaqeeyaan iyaga oo diiday in ay u ogolaadaan in ay nastaan laakiin Ramos & Saaxiibadii ayaa si fiican u adkaystay goolka waliba muujiyay sababta ay hogaamiyayaasha u yihiin.

Goolhayaha Real Madrid ayaa sameeyay badbaadino waali ah sidoo kale Ramos ayaa xitaa kubad goolka sii galaysay ka dhex laaday iyaga oo adkaysanayay goolka ay ku hogaaminayaan ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul ay rafaad iyo Dhidid ku gaadhay hal talaabo oo kalena u qaaday ku guulaysiga horyaalka La Liga.