Daawo: Taliska Booliska oo kahadlay arrinta Jeneraal Sheegow

197

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dagaalkii xooganaa ee xalay xaafadda Kaawo Godey ee dgemada Dharkenley ku dhex-maray Janeraal Sheegow iyo ciidamada ammaanka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu bilowday, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada xasilinta oo howlgal ku jiray kuwa janeraalka oo uu ku tilmaamay maleeshiyaad.

“Ciidanka oo howlgal ku jiray oo shaqo maalmeedkooda wada xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley waxa ay la kulmeen burcad maleeshiyaad ah oo soo weeraray ciidanka, iskuna dayay inay khalkhal-geliyaan” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Ciidankii oo iska caabiyay ayaa dagaalkii sidaas ku billowday oo xaafad dhexdeeda ah, kaas oo sagaalkii subaxnimo ee saaka lasoo afjaray”.

Ugu yaraan 3 askari ayaa ku dhintay dagaalkan oo laba kamid ah ay ahaayeen ciidanka Sheegow, halka midka kale uu ahaa Boolis, waxaana sidoo kale ciidanka amniga ka dhaawacmay 4 kale, mana jiro khasaare soo gaaray rayidka, sida uu xaqiijiyay afhayeenka.

Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in Sheegow uusan hadda ka tirsaneyn ciidamada dowladda, balse uu ahaa sarkaal hore, wuxuuna ku eedeeyay inuu gabaad siin jiray burcadda.

“Shaqsi magaciisa lagu sheegay Sheegow oo ahaaan jiray kabtan ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, laakiin maanta aan ka tirsaneyn ayay ciidankaasu gurigiisa joogeen markii lasoo qabtay oo la xiray ayaa shaqsigii wuxuu soo abaabulay ciidankii kaleeto, si uu amnigii iyo xasiloonidii uu khalkhal u geliyo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Afhayeenka ayaa xusay in haatan gacanta lagu soo dhigay Sheegow iyo 25 askari oo kale, kuwaas oo todobo kamid ah ay dhaawacyo yihiin.

“Guud ahaan maxaabiista la haayo waa 25 qof oo todobo ay dhaawac tahay, isagii eedeysane Sheegow iyo 17 kale” ayuu yiri afhayeenka boolisku.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in guriga ninkan laga soo qabtay lacagta madow ee sharci darrada ah, isla-markaana lagu horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo.

“Marka gacanta lagu soo dhigay waxaa sidoo kale gurigiisa loogu tegay lacagta madow ee la dhaqo ee iyaduna lid ku ah sharciga” ayuu kusii daray afhayeenku.