DAAWO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay Sababta Ciidanka uga soo baxeen furumaha Dagaalka

153

Waxaa markii ugu horeysay hadlay tan iyo markii ay ciidamada xoogga dalka soo baneeyeen furimaha dagaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow oo ku sugan degmada Aadan-Yabaal.

Taliyaha oo inta badan hadal jeedintiisa ku dalbanayey in la hor mariyo degmada uu ka soo jeedo ee Aadan-Yabaal ayaa si kooban uga hadlay sababta ay ciidamadu uga soo baxeen furimaha dagaalka.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo ayey uga soo baxeen, dadka reer Aadan-yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada,” ayuu yiri Taliyaha xoogga.

Sidoo kale dadka reer Aadan-yabaal ku baqdin geliyey in magaaladoodu ay demi doonto hadii Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan, “Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsa doontaa hadii maanta lasoo galo,” ayuu yiri.

Taliyaha oo ku faanay inuu ka soo jeedo degmada Aadan-yabaal ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siiso hormarinta degmadaan.

“Degmada Aadan Yabaal ragga ka dagaalamay waa ragga ugu waxtarka badan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah R/Wasaare, marka waxaan kaa codsaneynaa inaad gadaal u soo fiiriso reer Aadan-Yabaal,” ayuu yiri Taliyaha xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmada Aadan-Yabaal ayaa halkaas kula hadlay saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo u sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan ku soo daatay ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Inkastoo ay dowladdu weli qarineyso sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadu ay ka soo baxaan deegaano waqti hore laga xoreeyey Al-Shabaab, hadana waxay dadka qaar aad u dhowrayeen hadalka ka soo yeeri doona Taliyaha xoogga, balse markii uu maanta hadlay wuxuu ka badi waayey in Ra’iisul Wasaaraha uu ka codsado in degmada Aadan-Yabaal uu ka qeyb qaato hormarinteeda.

Waxaa taagan qadiyad adag oo Taliyaha looga baahnaa inuu bulshada u iftiimiyo, ciidan badan ayaa lagu dilay dagaalka, halka ciidanka intii hartay ay soo baneeyeen furimaha dagaalka, si toos ah iyo si dadban intaba Taliyuhu muhiimad uma siin arrimahaan taagan.