Daawo:-Tarsan “dhaqaale xumi ayaa Nairobi igu heyso ”

1974

Maxamed Nuur Tarsan oo dhowr bilood ka hor loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa durbadiiba bilaabay in uu eedeeyo dowladii isaga soo magacaawday.

Tarsan oo ay wareeysatay Teleefishinka Universal TV ayaa u sheegay in dhaqaale xumo ku heyso dalka Kenya isla markaana uusan awoodin in uu iska bixiyo waxyaabihii daruuriga ahaa ee lagu maareeyn lahaa shaqada Safaaradda.

Tarzan ayaa yiri ” Safiiro ayaa i martiqaado si sharaf leh ii martiqaado nasiib xumo aniga ma martiqaadi karo sababto ah dhaqaale aan ku martiqaado ma ahayso”.

Tarzan ayaa sidoo kale sheegay in dhib badan ka heysto hoygii uu jiifan lahaa. Waxa uu yiri ” labo qol waan ka dayactiran karaa safaarada burbursan laakiin waxaan wataa magacii Soomaliya iyo calankii Soomaaliya sidaana ima qabato”.

Tarsan ayaa sidoo kale sheegay in dhaqaale xumidda haysataa ay uga sii dartay ka dib markii baaboorkii Safaarada iibin jirtay oo dhaqaalaha ka soo gali jiray la joojiyay bixintiisa oo uusan soo gaarin safaaradda.

Wareeysiga Tarsan oo dheeraa ayaa sidoo kale uu ku sheegay in dad gaar ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo mas’uuliyiin ah ay yimaadaan dalka Kenya oo shirar gooni gooni ah la qaata qaar ka mid mas’uuliyiinta ama madaxda dalka Kenya ayada oo aan lala soo socodiin Safaarada. Tarsan ayaa yiri “waxa ay naga dhigeen howlgab”. Waxa uu ku daray, “Ma aha sharaf in shirarka looga hadlaya danaha dowlada laga qariyo qofkii wakiilka u ahaa dowlada”.

Hadalka ka soo yeeray Safiirka ayaa u muuqda mid uu ku dhaga hadlaayo Fahad Yasin oo mudo labo asbuuc ah ku sugnaa dalka Kenya shirar gaar-gaar ahna la ahaa madaxda amniga dalka Kenya isaga oo aan la socodsiin Safaaradda Soomaaliya ama safiirka.

Tarsan ayaa u muuqda mid shalaay ka joogo magacaabistii loo soo magacaabay Safiirka Soomalaiya u fadhiya dalka Kenya.