DAAWO:-Tottenham Oo Garaacday Man City +SAWIRRO

1396

Kooxda Tottenham ayaa dhulka dhigtay kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City iyaga oo ku garaacay 1/0 kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid laga maskax badiyay tababare Pep Guardiola xilli ay Tottenham soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah oo dhanka difaaca iyo weerarka ah.

Kooxda Man City ayaa dhanka kubad hasashada ku fiicnayd xilli ay Tottenham ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyo daafac ay ku jirtay marka ay Man City kubada haysatay.

Tababare Guardiola ayaa sameeyay khalad dhanka shaxdiisa ah isaga oo kaydka dhigay xiddigihii ugu fiicnaaa kooxdiisa kana mid ahaayeen De Bruyne,John Stones Iyo Kyle Walker.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna wax goolal ah kala dhalin xilli ay Man City ahayd kooxda ku fiican wax walba marka laga reebo in ayna gool dhalin.

Qaybta dambe:

Tottenham ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo marar badan halis galiyay goolka Man City kuwaas oo ay ku adkayd in ay halis galiyaan goolka kooxda Tottenham.

Daqiiqadii 55-aad ayay Tottenham dhalisay goolks 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Son Heung-min kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Man City ayaa wax walba u samaysay in ay dhaliso goolka bar-baraha laakiin kooxda Tottenham ayaa si cajiib ah u difaacatay goolkeeda iyaga oo kooxda Pep Guardiola u diiday in ay gaadhaan goolkooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham sidaas ku gaadhay guul ay u qalmeen kana gaadheen kooxda difaacanaysa kooxda Man City waliba Muujiyeen in ay soo laabteen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Tottenham ku bilaabatay xilli ciyaareedka guul ay ka gaadheen kooxda Difaacanaysa horyaalka premier League.