DAAWO:-“Waanu ku ridaynaa, Adigoo Qaawan ayaad baxaysaa”

1999

Waxaa maanta magaalada Hargeisa kulan ku yeeshay Labada Gudoomiye Xisbiyadda Ucid iyo Wadani Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, Waxayna Intaasi kadib Shir Jaraa’id oo ay Wadaqabteen waxay Luuqadii ugu Adkaa kula hadleen Muuse Biixi Cabdi.

“Muuse bixii wuxuu Noqday Keligii Taliye, Wuxuu Cagta saaray Jidkii ay Horay u eedeen Qarkii iyo Janaraaladii dhagarta caanka ku ahaa, Wuxuu Burburiyey Diimuqaraadiyadii la koronayey, Wuxuuna sidoo kale Somaliland geliyey JaahWareer, Isagoo Xintan iyo Xifaaltan ka dhigtay Xilkii loo doortay”.

“Labada Xisbi ee Ucid iyo Wadani waxay Xalka Somaliland u Arkaan in Doorasho Madaxwayne oo Xiligeeda laga soo Hormariyey ay ka Qabsoonto Sanadkan 2020-ka, Islamarkaana la qabto golaha Wakiilada isla Sanadkan.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Wadani.

C.raxmaan Cirro ayaa sheegay in laga been sheegay Siday u dhaceen Kulamadii Biixi iyo Farmaajo, Wafdigii Itoobiya iyo Arimo kale oo la xidhiidha Arintaasi.

Dhinca kale Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu Madaxwayne Muuse Biixi uu Somaliland Indhaha ka riday, Islamarkaana Ridi doonaan sidii Madaxwaynihii Dawladii Kacaanka.

“Marnaba Suura gal ma Noqonayso Inuu Muuse yidhaahdo, Waxan Baabinayaa Xisbiyada Ucid Iyo Wadani, Isaguna Madaxweyne Noqon Maayo Muuse ayuu Noqonayaa, Waxaan leenahay Madaxwayne Nooma tihid, Canshuur uu Qaadaysaa ma Jirto, Wuxuu Moodayaa inuu AABIHII Bixiyo Canshuurta, Adiga ayaanu kaa Jaraynaa Lacagta aad Qaadatid ee Khaayinka aad ku tahay, Maanta Muuse Reer uu Dabada gelinayaa ma Jirto cid kasta way Aragtay, Bal Cirka hasoo Dumiyo, Adigoo Qaawan ayaad baxaysaa, Afwayne ayaanu Ridnay” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.