DAAWO :Waraysi wasiir ka Tirsan Puntland oo xanuunka Covid19

1465

Iyadoo xanuunka uu Kusii Kordhayo Deegaanada Puntland Ayaa Lagu Soo Waramayaa Inay Tiro wasiiro Ka Tirsan Puntland ee Xanuunka uu Ku Dhacay,Ay Gaadhayaan ilaa Afar wasiir.

Waxaana Wasiiradaasi ka Mid Ah wasiir Kuxigeenka Cafimaadka Puntland Isagoo Xiligaasi Ku Sugnaa Magaalada Qardho,Wasiirka Ayaa Waraysi Kaga Waramaya Sida uu xanuunka Ku dareemay.

Wasiirka Wuxuu Sheegay Inuu Dareemay Lafo xanuun kaliya Isagoo Jooga Magaalada Qardho,Kadibna uu xanuun Kusii Siyaasada dareemayey Dhowr maalin,Kadib wasiirka Ayaa Kusoo laabtay Garoowe Isagoo halkaasina Maalmo Kusii Sugnaa.

Waxaa uu Wasiirka Ka Tirsan Puntland Sheegay Sida Lagu Ogaadey Xanuunkaasi oo markii danbe Laga Qaaday Tijaabada Lagu Baadhayey.