DAAWO:-Wasiir Fiqi oo amaanay ciidanka Gorgor

182

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ayaa booqasho ugu tegay ciidamada Gorgor ee Xoogga dalka Soomaliyeed.

Axmed Macallin Fiqi ayaa haatan beddalay aragtiidii uu ka qabay dhismaha ciidamadaas oo uu horay wax uga sheegay, isaga oo tilmaamay inay yimaadeen guutooyin cusub.

“Ciidamadeen haddii Gorgor iyo Haramcad la dhihi jiray shalay waxaa baxday guuto la yidhaahdo Khaalid Bin-Waliid, oo inay soo afjarto kooxahaan u baxday meelaha yar-yarka ah ee gobollada dhexe,” ayuu horay u yiri Wasiir Axmed Macalim Fiqi.

Khudbad uu haatan u jeediyay ciidamadan oo ku sugan difaaca hore ee gobolka Mudug ayaa waxa uu ku amaanay halganka xoreynta ee ay ka wadaan gobollada dhexe.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Kumaadooska Gorgor ay ka duwan yihiin ciidamada kale ee dalka, isla-markaana ay ku nasteen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidankan inuu ka soo canyahay, inuu ka duwan yahay ciidamada kale, sababta uu uga duwan yahay idinka waa taqaaniin inuu goobtiisii ku adkeystay sahankiisii dirsado isku kalsoon yahay, shacabkana ay ku kalsoon yihiin inay laabtiina ku seexdaan” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ciidankan ay yihiin kuwa ay ku tashaneyso dowladda Soomaaliya, ayna xilligaan muhiim u yihiin la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidankan wuxuu noqonaayaa ciidan gaar ah oo ay ku tashato dowladda federaalka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda guluf xoogan oo uu ujeedkiisu yahay inay Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.