Mohamed Salah Oo Haatan gaaray Sucuudiga Si Uu Ugu Biiro Kooxda Al Itixaad.

223

Wararka ka imaanaya Saudi Arabia ayaa sheegaya in Mohamed Salah uu haatana soo gaadhay magaalada Jeddah Si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Al Itixaad.

Kooxda Al Itixaad ayaa si aad ah loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Liverpool kuwaas oo ay doonayaan i ay ku xoojiyaan kooxda.

Inkasta oo ay Liverpool marar badan sheegtay in uuna Salah iib ahayn suqua xagaagan hadana kooxda Al Itixaad ayaan wali ka hadhin xiisaha xiddiga.

Wararka haatan isa soo taraya ayaa sheegaya in uu Mohamed Salah haatanba gaadhay magaalada Jeddah ee dalka sucuudiga si uu ugu biiro kooxda Al Itixaad.

Warkan ayaa ah mid ka imanaya dalka sucuudiga laakiin ma jiraan wax xaqiijin ah oo ay sameeyeen saxafiyiinta ugu waaweyn qaarada yurub ee ku xeel- dheer suuqa kala iibsiga.