Wasiir isaga oo katiinadeysan laga soo dejiyay Muqdisho

145

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay isaga oo jeebeysan wasiir kuxigeenka wasaaradda beeraha maamulka Jubbaland Mahad Sheekh Muxiyadiin.

Sida aan wararka ku helnay wasiirkan ayaa laga soo tarxiilay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland , waxaana amray in la xiro lana tarxiilo wasiirka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wasiirka laga soo tarxiilay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay isku dhaceen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , waxa uuna wasiirka maalmhii lasoo dhaafay si kulul u dhaleeceenayay siyaasadda madaxweynaha.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in wasiir kuxigeenka beeraha Jubbaland iyo madaxweynaha iskula dhaceen dhul beereed la sheegay in laga dhacay dad uu siyaasada ku metelo wasiirka.

Maamulka Jubbaland ayaa caan ku ah cagajugleynta siyaasiyiinta iyo dadka kale ee kasoo horjeeda madaxweynaha, waxaana marar badan Kismaayo laga soo tarxiilay dad siyaasad ahaan kahor yimid madaxweynaha Jubbaland.