DAAWO: Wasiirka gaanshaandhiga cadeeyay in Ciidamadii Eritrea qeybtood la keenay Muqdisho

385

Dawladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay cutubyo kamid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee tababarka sanadada u jiray dalka Eritrea oo maanta dalka dib loogu soo celiyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in cutubyo kamid ah ciidamada oo tababarku u soo dhamaaday maanta dalka ay kusoo laabteen, kaddib dadaalo muddo uu waday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdulqaadir Nuur, ayaa xusay in soo celinta ciidamadan ay soconayso maalmaha soo socda, isagoo tilmaamay inay keenistoodu dhabar jab ku tahay kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo diidan nabadda Soomaaliya.

Boqolaal kamid ah ciidanka ayaa maanta ka dagey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, taas oo ka dhigaysa in ay waxba kama jiraan noqdeen warar ay horey u sheegeen siyaasiinta Soomaalida qaarkood, oo uu kamid yahay Madaxweyne Xassan Sheekh oo sheegay in dagaal shisheeye la gashay ama la iibsaday.
Isagoo sii wata hadalkiisa, ayuu Wasiirka Gaashaandhigga XFS uu sheegay in ciidamada laga soo celinayo Eritrea ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, oo si toos ah hada uga socda qeybo kamid ah goballada koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada oo gaaraya ilaa 5 kun oo askari, ayaa Eritrea la geeyay 2019kii, waxaana loo tababaray qeybo kala duwan, sida Ciidamada dhulka, cirka, badda, farsamo yaqaano, darawalo iyo dhakhaatiir.