Daawo Wasirka Amniga galmudug oo lawareegay barta koontaroolka Gaalkacyo +Sawirro

2113

Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Moallim Fiqi ayaa si rasmi ah ula wareegay dhammaan koontaroolada Gaalkacyo oo ay maamuli jireen ciidammo maleeshiyo beeled ah balse maanta wixii ka dambeeya waxaa maamuli doona ciidamadda Galmudug.

Wasiirka Amniga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deeganada Galmudug laga mamnuucay waxyaabaha maanka dooriya isagoona intaasi ku daray in shaqsi lagu arko isagoo ka ganacsanaya ama isticmaala uu maamulka tilaabo uu ka qaadi doono.

La wareegida kontaroolada ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka soomaaliya ,Wasiiro iyo madaxda maamulka gobolka mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.