DAAWO:-“Xadhigiga Xildhibaan Dhakool waa Sharci Darro”

1551

Guddoomiyaha golaha wakiillada baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xadhiga xildhibaan Dhakool loo marin sifihii sharciga ahaa, iyadoo xilli uu hurday gurigiisa loogu daatay.

Guddoomiye Baashe wuxuu kaloo sheegay in saaka loo diiday in uu xabsiga ku booqdo Xildhibaanka.

“Isagoo xasaanaddii laga qaadan oo aan golaha wakiillada lasoo waydiisan ayaa gurigiisii loogu dhacay xaaskiisii iyo carruurtiisii oo huruda, anigoo guddoomiyihii baarlamaanka ahna CID’du waxay ii diidday inaan arko” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.