DAAWO:-Xarunta dhaqanka Hargeisa oo Samaysay Arin laga Naxay

1719

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) ayaa Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeisa ku eedeeyay Inay meel uga dhaqanka Soomaalida , Diinta iyo Anshaxa Suuban.

Abwaanka ayaa sheegay in halkaasi lagu qabtay Kulan Bulshada intii maqashay ay siwayn ula yaabtay, Kaasi oo Hal ku dhig looga dhigay “Maalinta Fayyo dhowrka ee Caaddada Dumarka” Wuxuuna xusay inaysan dhib lahaynba hadii dhakhaatiir iyo dad aqoon u leh ay ka qayb geli lahaayeen, Balse wuxuu tilmaamay in rag aan aqoonba u lahayn iyo dad Mashruuc reer galbeedka uga raadsaday ay qabteen.

Diinta Suuban ee Islaamka ayaa siwayn oo Asturan uga hadashay Arintan, Wuxuuna sidoo kale Abwaanku Fariin u diray Madaxwaynaha Somaliland.

Dhinaca kale Abwaan shaacir wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xarunta Dhaqanka ee magaalada Hargeisa, inay Halkaasi horay u keeneen Gabadh u Ololaysa inay Dumarku is Guursadaan.