Liverpool Oo Markii 6-aad Ku Guulaystay Champions League+SAWIRRO

1810

Liverpool iyo Tottenham ayaa nasiinada ku aaday hal gool oo ay laheyd Liverpool , waxa uuna kulankaan ahaa finalka Champion-ka waxaana uuna ka dhacayay garoonka Atletico Madrid .

Goolka Liverpool ayaa yimid ka 24 il biriqsi ee biloowga ciyaarat waxaana rigoore loo dhigay gool u badalay Moahmed Salah ka dib markii kubad uu qajafeeyay Mane u gacanta ku taabtay ciyaaryahanka Tottenham ee Sissoko .

Inkastoo Totetnham goolkaas looga naxsaday hadana waxa ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh kamana muuqan wax qa qal oo waliba si xoriyad leh ayay u ciyaarayeen.

Liverpool ka dib goolkaas waxa ay isku dayayeen in mid labaad keenaan waxa ayna halayeen fursado badan oo koornooyin ah sidaas oo ay tahay Ball possession-ka waxaa mar waliba ku sareeysay kooxda Tottenham .

Tottenham dhanka weerarka kaliya waxaa ka muuqday Son kaasi oo dhwor jeer fursado goolal loo badali karo helayay balse sidii la rabay uma uusan maamuleyn kubadda .

Tottenham wax ay inta badan ku tiirsanayeen kudabada rogaal celiska ah xilli Liverpool dhanka daafcaaan ahaayeen kuwo aad u wacan .

Balse guud ahaan marka la eego qiimaha finalka kulankaan ma aheyn mid aad u xamaasad badan waxa ayna Liverpool daqiiqaddii 38-aad ku sigteen gool labaad ka dib marki fogaan dhan 25 yaardi uu uu Robertson ka toogtay goosha Tottenham balse goolhayaha ayaa bad-baadiyay

Biloowgii qeybta labaad , Liverpool dhowr kubad ayay ku laadeen goosha Tottenham balse daafaca ayaa hor taagnaa waxa ayna Tottenham sameynayeen dhaq dhaqaaq wacan waxaana markaan la arkayay Harry Kane .

Tottenham qeybta labaad kubadda waa ay soo gaarsiinayeen aagga goosha Liverpool balse natiijo ma laheyn waxa ayna Liverpol badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqaddii 59-aad waxa ayna soo giliyeen Divock Origi oo loo badalay Firminho.

Liverpool si dhaq dhaqaaqooda wax uga badalaan waxa ay sameeyeen badal labaad oo farsamo ah waxa ayna soo gilyeen Milner daqiiqaddii 62-aad iyadoo loo badalay Georginio Wijnaldum haka Tottenham ay sameeyeen badalkooda ugu horeeyay daqiiqadii 66-waxa ayna sareen Winks iyadoo la soo giliyay Moura .

Si guud marka loo eego ciyaarta waxa ayna aheyd mid qaboow inkastoo Totetnham mar waliba heerka kubad haysashadooda ay gaareysay %65 xili daqiiqadii 73-aad Deli Ali ku dhawaaday in shabaqa uu dhigo kubad cajiib ah balse goolhayaha ayaa ku raaxeystay .

Ciyaartaan xaraarad la`aanta aheyd waxa ay Tottenham dhamaadkii dhisayeen kubado aad u wacan waxaana dadaal gaar ah u waday Son balse dhameystirka ayaa ka maqnaa .

Tottenham dhamaadkii dhaq dhaqaaq sareeya ayay wadeen waxaana daqiiqaddii 79-aad kubad laad aheyd ee Son ku laaday goosha Liverpool waxaa bad baadiyay goolhayaha ka dib waxaa ku celiyay Moura hadana wuu bad baadiyay

Daqiiqaddii 85-aad Christian Eriksen ayaa laga bad baadiyay kubad free Kick aheyd waxaana si cajiib ah koorno ugu saaray goolhayaha Tottenham waxaana xusid mudan in Tiotetnham %62 ay kubadda haysteen

Nsiib xumo , xilli xaalka sidaas ahaa Tottenham bar bar dhac u dhawaayeen ayay Liverpool waxa ay heleen kubad koorno ah taasi oo aagga goosha Tottenahm ku laalabatay waxaana markii dambe helay Divock Origi kaasi oo si cajiib ah shabaqa u dhigay daqiiqadii 88-aad . waxa ayan Tottenham ka dib 5 daqiiqo oo lagu daray ciyaarta isku dayayeen in ay gool keenaan balse waxaa loogu dhameeyay laabdaas gool ee ay Champion-ka ku qaaday Liverpool.