Farmaajo oo tagay Addis Ababa+SAWIRRO

2069

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Makkah Al-Mukarama, halkaasoo ay uga qeyb galeen shirarka Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta iyo kuwa Iskaashiga Islaamka.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo qorshe uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dadaal ugu jira in xal diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo Ammaanka iyo nabadda Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Amxaariga ee VOA waxaa uu ku sheegay inuu xal u raadinayo khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana uu kala kaashanayo dalalka Eritrea iyo Koofurta Sudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid mar kale dhexda u galay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo la xusuusto in bishii February ay wadajir ugu safreen magaalada Nairobi, xilligaasoo uu dhex dhexaadiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, kaddib khilaafkii diblomaasiyadeed ee sababay in Safiirada labada dal ay dib ugu kala laabtaan dalalkooda.

Sanadkan gudihiisa Madaxweyne Farmaajo ayaa Addis Ababa u safray tiro saddex jeer ah, waxaana la xusuustaa in Madaxweynuhu xilligii Ololaha ku jiray in Madaxdii hore ku eedeyn jiray safarada dalka Itoobiya.