DAAWO:-Xukun dil ah oo lagu riday Shan nin oo kufsi ka geestay Gaalkacyo (Akhriso Magacyada)

1771

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa dil toogasha ah ku xukuntay 5 eedaysane oo loo haystay iney kufsi wadareed ka gaysteen Gaalkacyo.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax oo goor dhowayd jir jaraaid ku qabtay Garowe, ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday dhalinyaradaan.

Puntland oo Xukuntay dil ah kuriday shan dhalinyaro ah oo geystay kufsi wadareed.

Xeer ilaaliye ku xigeenka, wuxuu sheegay afar eedeysane in lagu qabtay magaalada Qardho, halka eedeysanaha shanaad ay ciidanka amniga ka soo qabteen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ah goobta uu kufsiga ka dhacay, wuxuu caddeeyay in cid walba oo ay ku caddaato kufsi in dil lagu xukumi doono, isagoo marka u u digay waalidiinta.