DAAWO:-Ex xildhibaan Cabdi Barre Farmaajo ha is casilo

1678

Siyaasiga Cabdi Barre Jibriil ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in xilalka laga qaado Mas’uuliyiinta Hay’addaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Cabdi Barre oo horay u soo noqday Xildhibaan ayaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee Hay’addaha Ammaanka ku eedeeyay in ay dayaceen dadka Shacabka , Maadaama Al-Shabaab muddo ka badan 20 Saacadood ay dagaal ka wadeen Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay arki doonaan Shacabka Soomaaliyeed tilaabadda uu qaado Maadaama waxyeelo weyn ay soo gaartay dadka Shacabka xilli ay hay’ddaha Ammaanka aysan muujin feejignaan.

Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii Farmaajo ka codsaday in la soo xiro Mas’uuliyiinta Hay’addaha Ammaanka si wax looga weydiiyo dadkii rayidka ahaa ee la xasuuqay.