DAAWO:-Xulka France Oo Cirka Ku Dubtay England+SAWIRRO

258

Xulka qaranka France ayaa iska xaadiriyay wareega Semi-final-ka koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka England kulan isku dheeli tirnaa.

Xulka France ayaa ciyaarta ku bilowday si dar-dar waxana ay France kaga fiicnaayeen maamulista ciyaarta xilli xulka England adeegsanayay weeraro rogaal celis ah.

France ayaa doonayay in ay dhaliyaan gool wakhti hore ah oo ay ku qabanayaan hogaanka ciyaarta xilli France weeraro orod ah ciyaarayeen.
Daqiiqadii 17-aad ayuu xulka France hogaanka u qabteen ciyaarta kadib markii uu xiddiga Auellien Tchoumeni dhaliyay gool gantaal ah hogaankana u dhiibay xulkiisa.

Xulka France ayaa wixii intaas ka dambeeyay daafac galay iyaga oo xulka England la wareegay maamulista ciyaarta isla markaas samaynayay fursado halis ah.

France ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo difaac galay xilli England uu cadaadis waali ah saaray xulka France kuwaas oo daafac galay.

Laakiin waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka France hogaanka u hayo ciyaarta laakiin uu xulka England ahaa midka fiican.

Qaybta dambe ayuu xulka England sii waday cadaadiska ay qaadayeen iyaga oo goobo galiyay xulka France kuwaas oo ilaashanayay goolka ay dhaliyeen.

Daqiiqadii 54-aad ayaa xulka England loo dhigay gool kadib markii ay daafacyada France khalad ku galeen xiddiga Bukayo Saka.

Kabtanka England ayaa dhaliyay goolka ciyaarta kana dhigay 1/1 uu xulkiisa England ugu soo laabtay ciyaarta.
Xulk England ayaan halkaas ku joogsan waxana ay ahaayeen kuwa fiican ciyaarta iyaga oo ka awood badana France kuwaas oo daafac galay una muuqday kuwo daalan.

Giroud ayaa fursad waali ah khasaariyay iyada oo Goolhayaha England si cajiib ah badbaadin u sameeyay daqiqiadii 77-aad.

Laakiin kubadii xigtay ayuu xulka France ka sameeyay fursad dahab ah waxana gool u badalay Olivier Giroud oo hogaanka u dhiibay xulkiisa mar kale ciyaartana ka dhigay 2/1.

England ayaan ka niyad jabin ciyaarta waxana ay sii wadeen dadaalada ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaarta ku soo celinaya.

Daqiqiadii 81-aad ayay VAR rikoodhe u qabatay xulka England waxana u istaagay kabtanka xulka England ee Harry Kane laakiin waxa uu cirka geeyay kubada halkii uu shaaqa dhex-dhigi lahaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France iska xaadiriyay Semi-final-ka koobka adduunka isla markaas Gurigoodii u diray xulka England.