Daawo:Cabdicasiis Lafta-gareen oo lagu daray liiska argagixisada.

12

 

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta shir deg-deg ah ku yeeshay magaalada Baydhaba ayaa qaraar kasoo saaray xaaladda maamulkaasi, iyaga oo liiska argagixisada ku daray Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen iyo ciidamadiisa.

Shirka oo uu guddoomiyay Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa laga soo saaray qaarar ku aadan xoojinta amniga iyadoo sidoo kale shirka lagu soo bandhigay caddeymaha la xiriira ‘iskaashiga ka dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen’ kaas oo hadda dagaal kula jira maamulka Aadan Madoobe.

Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ayaa sheegay in loo adeegsaday qaraxyo, ayna si wdajir ah u fuliyeen ciidamada Lafta-gareen iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, golaha ayaa shaaca ka qaaday inay cambaareynayaan falalka argagixiso, rabshadaha hubeysan, qaraxyada iyo isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga deegaannada Koonfur Galbeed Soomaliya.

Intaas kadib golaha ayaa ku dhawaaqay in Lafta-gareen iyo ciidamadiisa ay ku dareen liiska argagixisada, kadib qiimeyn ay ku sameeyeen sheegashadiisii ku aadaneyd weerarradii ay maalmo kahor kusoo qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

“Goluhu markii uu si qoto dheer u falanqeeyay wareysigii uu bixiyay Cabdicasiis kaas oo uu ku sheegay in ciidamadiisu iyo kooxda Al-Shabaab ay si nabad ah u wada joogaan, ugana wada nool yihiin goobaha ay ku sugan yihiin iyo ficillada ay wada sameeyeen wuxuu goluhu si rasmi ah ugu aqoonsaday horjooge Lafta-gareen isaga iyo maleeshiyaadkiisa inay yihiin argagixiso si rasmi ah ugu biiray ulana midoobay Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, golaha ayaa farriin u diray dowladda Soomaaliya oo ay ka codsadeen inay xoojiyso taageerada amni ee ay siiso Koonfur Galbeed, waxayna soo jeediyeen in si isku mid ah loola dagaalamo Lafta-gareen iyo Al-Shabaab.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed waxay si wadajir ah ula tacaamuli doonaan sida loola tacaamulo kooxdaha argagixisada, sidaas darteed goluhu wuxuu DFS usoo jeedinayaa inay xoojiso taageerada amni iyo ciidan ee dowladda Koonfur Galbeed,” ayaa mar kale lagu yiri qaraarka.