DAAWO:-Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo +SAWIRRO

1082

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo uu horkacayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kadib waxaa loo galbiyay wafdiga madaxtooyada Jubbaland.

Ra’isul Wasaraha ayaa ujeedada ugu weyn ee safarka Rooble ay tahay sidii dib u heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo iyo dardargalinta hannaanka doorashada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in maalinta Jimcaha uu tegi doono Ra’iisul Wasaare Rooble xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey, waxaana gobolka Gedo maamulkiisa muddo dheer isku hayay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan magacaabay guddib dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, kaas oo aysan ku jirin xubno ka soo jeeda Jubaland.