DAAWO“Cabdirashiid Riyo Raac Isma Casilayo hadii Somaliland ku kala Tagayso”

1836

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa sheegay inaysan suurto gal ahayn inuu Wakhtigan is casilo Cabdirashiid Riyo raac oo Muran dhaliyey markii lagu soo daray gudiga Doorashooyinka, Wuxuuna BuurMadow sheegay Arintaasi inaan wax dhexdhexaadin ah laga geli Karin.

“Cabdirashiid Riyo Raac Isma Casilayo hadii Somaliland ku kala Tagayso, Waa Nin Habarjeclo ah oo Beeshu isku raacsan tahay , waa nin Dhaartay oo Baarlamaanku Ansixiyey, Sankaa idiin dalloola cid badalaysaa ma jirto”. Ayuu Yidhi Boqor Buur-madow

Dhinaca kale Boqor Buur-madow ayaa sheegay inuu aad ula yaabay Hab dhaqanka Labada Gudoomiye ee Faysal Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, Wuxuuna sheegay inay soo Xuleen Dad Qoyskooda ah iyaguba markii ay soo xulayeen Xubnaha ugu Jira Komoshinka Doorashooyinka.

“Beesha Habarjeclo waxaa OHIO-Columbus oo kale oo Codkeeda iyo Saamaynteeda lama Qarin karo, waa khalad in Ninkii Beeshayada laga soo xulay ay soo fara geliyaan, Habarjeclo maanta in badan ayaa Xukuumadda banaanka ka joogtay, Balse Qabyaaladda Nalooma Bilaabo, Banaanbaxa waanu kala qayb geli lahayn, Waxaanu kaga hadhnay inay Reerkayaga Farageliyaan, Kuwooda ay soo xuleen kuma aanu Fara gelin” Ayuu yidhi Boqor Buurmadow.