DAAWO:“Muuse Biixi Madaxa ayaan ka dhuunkaday, Aabahay Weligay kama dhuunkan, Dib u baryi mayno”

1803

Guddoomiyaha Xisbiga ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu madaxa ka dhunkaday madaxweyne Muuse Biixi, isagoo ka baryaayay xalka arrimaha siyaasaddeed ee Somaliland ka taagan, Wuxuuna sheegay in aanu xittaa aabihii weligii ka dhunkan madaxa.

Balse Madaxwayne Biixi ayuu sheegay inay kasoo Hadhay Madax Adayg, Wuxuuna wacad ku maray inaysan Mar dambe Baryi doonin Muuse Biixi.

DHinaca kale Faysal Cali Waraabe Wuxuu si adag uga hadlay Xaalada kala duwan ee ka taagan Somaliland.

“Doorasho iyo Nabad gelyo ayaynu ku Faani jirnay, Nabadii Faraha ayay kasii baxaysaa Jabhado ayaa Jira, Sidoo kale doorasho ma muuqato, Muuse Biixi Somaliland wuxuu ka dhigay Dukaan uu lahaa oo uu Ka Maqnaa oo uu dib u Helay, Waxa soconaysa oo Dadka Somaliland yeeli doono maaha.” Ayuu yidhi Eng. Faysal Waraabe.