Dacwad-Oogaha Guud ee Maxkamadda ICC oo la amaray in soo xiro

258

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Raashiya ayaa soo saartay Waaran ama Amar Soo-qabasho oo lagu soo xirayo Kariim Asad Ahmed Khan oo haatan ah Dacwad-Oogaha Guud ee Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ee ku taalla magaalladda The Hauge .

Dacwad-Oogaha Guud ee ICC oo ah muwaadin British asalkiisu Pakistani yahay, waxa uu bishii March ee la soo dhaafay soo saaray Amar Soo-qabasho oo lagu soo xirayo Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin iyo Haweeneyda lagu magacaabo Maria Lvova-Belova oo ah Madaxa Hay’adda Raashiya ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Carruurta.

Madaxweyne Putin iyo Maria Lvova-Belova waxaa lagu soo oogay inay galeen Dembiyo Dagaal oo ah, iyagoo carruur u dhashay dalka Ukraine si aan Sharci ahayn uga masaafuriyeen Deegaanada La-haysto ee Ukraine, iyagoo carruurtaasi u daad-gureeyey gudaha dalka Raashiya.

Si kastaba ma cadda qaabka ay dowladda Raashiya ugu suurto-geli doonto inay soo qabtaan Dacwad-Oogaha Guud Maxkamadda ICC, Karim Asad Ahmed Khan ee 53 jirka ah, waxa uuna go’aankan u muuqdaan mid lagu cabsi galinayo dacwad-oogaha.