Dagaal laga cabsi qabo inuu kaqarxo Muqdisho +VIDEO

1641

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo inuu dagaal culus ka dhex qarxi rabo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka dagan Xaafadda Jaamacadaha.

Sida ay xogta ku helayno Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ka shidaal qaadanayo Wasaaradda Waxbarashada ayaa dadka dagan Xaafadda Jaamacadaha oo u dhow Seybiyaano u sheegay inay isaga guuraan halkaas muddo 7 Maalin ah oo ku akeyd Shalay.

Dadka deegaanka oo u badan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Ilmo ay dhaleyn ayaa arrintaas ka hor imaaday, waxayna Xaafadaha Jaamacadaha noqotay mid ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo farabadan oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay soo weerarto.

Taliyaha Ciidamada halkaas ku sugan ayaa sheegay inay kasoo baxeen furumaha dagaalka AL-Shabaab kadib markii ay maqleyn in Ciidamo ka tirsan dowladda ay rabaan inay dadka ka saaraan Xaafadda Jaamacadaha oo ah meel ay dagan yihiidn dad aad u farabadan.

Taliyaha ayaa sheegay inay dhiigooda u huri doonaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka halkaas dagan oo u badan ilmo ay dhaleen askarta Dowladda ee safka hore kaga jiro dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab.

”Ma aqbali karno in ay nasoo weeraraan ciidamo ka tirsan Dowladda anagoo difaacyo hore ku maqan, waxaana u diyaar garownay dagaal culus oo xataa qaadan karo bilooyin” ayuu yiri taliyahaas oo diiday in magaciisa loo isticmaalo warbaahinta.

Ciidamada halkaas ku sugan ayaa qiyaas ahaan gaarayo illaa 500 oo askari oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka iyo Gaadiidka dagaalka.

Ciidamadaas ayaa dhufeysyo adag ka sameystay gudaha Xaafadaha sidoo kalana waxayna qoryaha darandooriga u dhaca iyo Sabano la fuuleyn Dabaqyada Xaafadaas.

Ciidamada halkaas dhufeysyada uga jiro ayaa Xalay diiday inay laamiga Jaamacadaha ka gudbaan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gurmad ahaan ugu socday Xaafadda Garas Baaley oo ay soo weereen Kooxo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna ugu dambeyn ciidamadaas ka wareegeyn dhanka Xoosh.

Xaaladda Xaafadaha Jaamacadda ayaa ah mid dagaal, waxaana lagu dhex arkayaa ciidamo badan oo ku jiro difaac adag iyo kuwa kale oo saaran dabaqyada dhaadheer ee halkaas ku yaal.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama aysan hadlin xiisadda halkaas ka taagan, waxayna arrintaas kusoo aadeysaa xilli aysan dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku qaban Xarumihii horey looga bixiyey dadkii Shacabka oo ilaa hadda haawanayo.